Monday, May 15, 2017

Ardayda Dugsiga H/Dhexe & Sare Al-Shacab oo u fariistay Imtixaanka Dhammaadka Sanad-dugsiyeedka 2016/2017

Waxaa maalintii saddexaad si habsami leh uga socda Dugsiga H/Dhexe & Sare Al-shacab Imtixaanka Sanad Dhamaadka 2016/2017.
Ardayda Dugsiga oo tartan ugu wada jira kaalmaha hore iyo sidii ay dhibcaha ugu sareeya ku heli lahaayeen waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka muuqday dadaal iyo aqris fara badan, waxaana la arkayay iyagoo koox koox isu ballansanaya si ay duruusta u wada naqtiimaan.
Guddoonka Waxbarashada Gobolka Mudug ee Galmudug mudane Axmed Jaamac Qoodooye ayaa soo kormeeray habsami u socodka imtixaanka isagoona fasal fasal u galay dhammaan fasallada ay ardayda imtixaanka ku galayeen.
Mudane Qoodeeye wuxuu aad u amaanay Dugsiga Al-shacab sida wanaagsan oo ay howshooda u wadaan waxuuna amaan gooni  ah u jeediyey maamulka, macalimiinta iyo  Guddiga Waxbarashada Dugsiga.
Sanad-dugsiyeedkaan ardayda wuxuu u ahaa mid adag iyagoo lasoo kulmay labo bilood oo colaado iyo barakac ah iyo abaar daba dheeraatay. Hase yeeshee maamulka iyo macallimiinta dugsiga waxay bixiyeen dadaal dheeraad ah si ay usoo kabaan waqtigii ardayda kaga lumay colaadda magaalada ka jirtay taasoo habacsanaan ku keentay qorsho sanadeedkii waxbarasho iyagoona hirgaliyay qorsho cusub kaasoo miradhalkiisu noqday in si habsami leh ardayda duruusta ugu dhamaato.

Dhammaan maamulka, macallimiinta iyo Guddiga Waxbarashada Dugsiga waxay ardayda u rajeynayaa guul iyo horumar.



Guddoonka Waxbarashada Gobolka oo kormeeraya imtixaanka