Saturday, January 21, 2017

Ardayda Dugsiga Al-shacab oo maanta u fariistay Imtixaanka Teeramka 1aad

Ardayda Dugsiga H/Dhexe & Sare Al-Shacab ee magaalada Gaalkacyo ayaa maanta u fariistay Imtixaanka Teeramka 1aad ee Sanad - Dugsiyeedka 2016 - 2017.
waxay saakay u ahayd maalin ay kusoo bandhigayeen qiimeynta heerka ay fahamka, aqriska iyo dadaalka ka joogaan mudadii sanadka barkiisa ahayd ee ay wax dhiganayeen.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa la arkayay ardada dugsiga oo dadaal xoogan dhanka aqriska ah wada iyagoona qaarkood si koox koox ah u ballamayay si ay duruusta isugu naqtiimaan.
imtixaanka Teeramka 1aad ee Sanad - Dugsiyeedkaan ayaa qorshihiisu ahaa bishii Diseembar ee sanadkii hore, hase yeeshee waxaa dib u dhigay dagaaladii magaalada ka socday muddadii labada bilood.
Imtixaanka sanadkaan wuxuu kaga gadisan yahay imtixaanadii hore iyadoo meesha laga saaray fasaxii labada toddobaad ee ardaydu geli jireen si loosoo kabo xisadihii ka khasaaray ardayda muddadii dagaalku socday.
Ardayda dugsiga oo tartan xoogani u dhaxeeyo ayaa la filayaa inuu imtixaanka kala xukmin doono kala horayntooda.
Maamulka, macallimiinta iyo bahda Al-shacab waxay ardada u rajeynayaan guul iyo horumar.