Saturday, August 12, 2017

Xafladda Qalinjabinta Dufcadda 8aad ee Dugsiga Al-shacab & Furitaanka Sanad-dugsiyeedka 2017-2018 oo lagu qabtay Dugsiga Al-shacab

Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay  ayna kasoo qeybgaleen, siyaasiyiin, culumaa’uddiin, waxgarad, aqoonyahano, odayaal dhaqameed iyo qeybaha kala gaddisan ee bulshada  ayaa lagu qabtay Dugsiga H/Dhexe & Sare Al-shacab.
Xafladda oo ahayd Xafladda Qalinjabinta Dufcadda 8aad ee Dugsiga Al-shacab iyo furitaanka sanad-dugsiyeedka cusub 2017/2018 waxaa ugu horeyntii ka hadlay maamulaha Dugsiga Al-shacab mudane C/casiis Maxamed Aadan oo kasoo qeybgalayaasha kusoo dhaweeyay xafladda isla markaana uga mahadceliyay kasoo qeybgalkooda.
Maamulaha Dugsiga wuxuu u hambalyeeyay ardayda qalinjebisay oo tiradoodu ahayd 69 arday, 39 kamid ahna ay wiilal ahaayeen.
“Waxaan idiinku hambalyaynayaa dadaalkii aad muujiseen iyo guushii aad ka gaarteen Imtixaanka Qaran 2016-2017, waxaana ku faraxsan nahay inaad sadexda kaalin ugu horeysa ka gasheen gobolka mudug iyo inaad kamid noqoteen 50 arday ee ugu sareysa Imtixaanka Qaran” ayuu yiri maamulaha Dugsiga. Sidoo kale wuxuu maamulaha u mahadceliyay aasaasayaashii dugsiga, maamulayaashii ka horeeyay, hay'adda Himilo oo dugsiga dhistay iyo cid walba oo ka qeyb qaadatay muruq, maal ama fikirba.
Waxaa dadka soo jiitay bandhig cilmiyeedka ay soo bandhigeen ardayda Dugsiga kuwaasoo isugu jiray soo dhawayn, mahadcelin, fariimo caafimaad, murti , diin, iwm
Xildhibaan  “C/qaadir Cali Diirshe ( Wadaad Yare)  oo ka tirsan xildhibaanada Galmudug oo xafladda ka hadlay ayaa isaguna u hambalyeeyay ardayda qalinjebisay kuna amaanay kaalmaha ay galeen.
Dhammaan dadkii meesha ka hadlay waxay u hambalyeeyeen qalinjebiyayaasha iyo guusha ay soo hoyeen waxayna kula dardaarmeen ardayda kale in sanadka soo socda dadaal xoogan bixiyaan.
Ugu dambayntii, waxaa abaalmarino la guddoonsiiyay ardaydii kaalmaha gashay sanad-dugsiyeedka 2016-2017 iyo ardayga ku guulaystay abaalmarinta Xiddiga Sanad-dugsiyeedka 2016-2017, waxaana shahaaddo sharaf la guddoonsiiyay hay'adda Himilo oo dugsiga dhistay, CISP iyo waalidka ugu firfircoonaa xiriirka joogtada ahna la lahaa dugsiga sanad-dugsiyeedkaan, waxaana meesha laga sheegay in sadexda arday ee ugu sareysa heleen deeq waxbarasho oo dalka Suudaan ah.
Xafladda waxay kusoo gabagabowday jawi degan iyadoona kamid noqotay wararka ugu hadal heynta badan ee bulshada Gaalkacyo isla dhex maraan. 
"Waqti kooban iyo waxqabad ballaaran"