Waxaa
maalintii saddexaad si habsami leh uga socda Dugsiga H/Dhexe & Sare
Al-shacab Imtixaanka Sanad Dhamaadka 2016/2017.
Ardayda Dugsiga
oo tartan ugu wada jira kaalmaha hore iyo sidii ay dhibcaha ugu sareeya ku heli
lahaayeen waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka muuqday dadaal iyo aqris fara badan,
waxaana la arkayay iyagoo koox koox isu ballansanaya si ay duruusta u wada
naqtiimaan.
Guddoonka
Waxbarashada Gobolka Mudug ee Galmudug mudane Axmed Jaamac Qoodooye ayaa soo
kormeeray habsami u socodka imtixaanka isagoona fasal fasal u galay dhammaan
fasallada ay ardayda imtixaanka ku galayeen.
Mudane Qoodeeye
wuxuu aad u amaanay Dugsiga Al-shacab sida wanaagsan oo ay howshooda u wadaan
waxuuna amaan gooni ah u jeediyey
maamulka, macalimiinta iyo Guddiga Waxbarashada
Dugsiga.
Sanad-dugsiyeedkaan
ardayda wuxuu u ahaa mid adag iyagoo lasoo kulmay labo bilood oo colaado iyo
barakac ah iyo abaar daba dheeraatay. Hase yeeshee maamulka iyo macallimiinta dugsiga waxay bixiyeen dadaal dheeraad ah si ay usoo kabaan waqtigii ardayda kaga lumay colaadda magaalada ka jirtay taasoo habacsanaan ku keentay qorsho sanadeedkii waxbarasho iyagoona hirgaliyay qorsho cusub kaasoo miradhalkiisu noqday in si habsami leh ardayda duruusta ugu dhamaato.
Dhammaan
maamulka, macallimiinta iyo Guddiga Waxbarashada Dugsiga waxay ardayda u
rajeynayaa guul iyo horumar.
Guddoonka Waxbarashada Gobolka oo kormeeraya imtixaanka |