Saturday, December 31, 2016

Ardada Dugsiga Al-Shacab oo deeq lacageed ku wareejiyay Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Magaalada Gaalkacyo

Kadib dadaal iyo ololo xoogan oo lacag ururin ah ay wadeen ardada Dugsiga Al-shacab si loogu gurmado dadka ay abaaruhu naafeeyeen, waxaa maanta u suuragashay inay Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Magaalada Gaalkacyo ku wareejiyaan lacag dhan sh. 17, 500, 000 (toddobo iyo toban milyan iyo shan boqol oo kun shilin Soomaali).

Munaasabadda wareejinta waxaa ugu horeyntii ka hadlay maamulaha dugsiga C/casiis Maxamed Aadan, wuxuu ka sheekeeyay dadaalka ardada u galeen sidii loogu gurman lahaa dadka abaartu saameysay isagoona amaanay ardada una duceeyay. wuxuuna kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha ardada dugsiga Al-Shacab Siciid Cali C/raxmaan si uu deeqdaasi ugu wareejiyo Guddiga Gurmadka Abaaraha.
Guddoomiyaha xaafadda Howl-wadaag ee dugsiga ku yaalo ahna xubin ka tirsan Guddiga Gurmadka Abaaraha mudane Aweys Sh. Axmed oo guddoomay deeqda lacageed ayaa uga mahadceliyay maamulka, macallimiinta iyo ardada dugsiga sida sharafta leh ee gurmadka abaaraha uga qeyb qaateen. "waxaad muujiseen dadaal badan oo aad iyo aad u qiima badan waana idiinka malaynaynay, waxaana rajeynaynaa sidii aad ugu talo gasheen iyo halkii aad ugu talo gasheen inaan gaarsiino insha Allaah" ayuu yiri mudane Aweys oo hadalkiisa sii wata.
Sidoo kale, waxaa meesha ka hadlay mahad taa la mid ahna bixiyay mudane Siciid Maxamed Axmed (Gardaano) oo ah xubin kamid ah Guddiga Gurmadka Abaaraha ahna xubin ka tirsan Golaha Deegaanka Magaalada Gaalkacyo.
Mudane Siciid Gardaano wuxuu aad u amaanay Dugsiga Al-Shacab, ereyadiisana waxaa ka mid ahaa: " runtii iskuulka Al-shacab waa iskuul caan ku ah horumarka iyo wax istaridda bulshada ay ku dhex nool yihiin, waa iftiinka degmada, waa waxtarkii, waa dadka usoo kacaya ama juhdiga ugu jira inay dadkooda wax taraan, middaana qeyb ayay ka tahay, waana arin lagu dayan karo".
Ugu danbeyntii, waxaa cod-baahiyaha lagu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Magaalada Gaalkacyo marwo Qadra C/laahi Cali, waxayna aad ugu mahadcelisay maamulka, macallimiinta iyo ardada Dugsiga Al-shacab iyadoona sheegtay in ardada dugsiga ay dhigeen rikoor cusub ayna yihiin ardada lacagta ugu badan bixisay.
"waxaan aad ugu faraxsanahay, na dhiirigelinaysa, dareenkeenana sare u qaaday jawaabta xooga leh aad bixiseen maamulka, macallimiinta iyo ardada Al-shacab farxad weyn bay inoo tahay waana idiinkaga mahadcelinaynaa, runtii saaka cashar iyo rikoor cusub ayaad dhigteen, waxaad tihiin iskuulka ugu lacagta badan degmada Gaalkacyo iskuuladii lasoo maray" ayay tiri marwo Qadra.
Ma ahan markii ugu horeysay ee Dugsiga Al-shacab uu ka qeyb qaato gurmadka iyo wax u qabashada bulshada, waxayna arintaan muujinaysaa in ardada lagu barbaariyay iskaashiga, wax wada qabsiga, isu gurmashada xilliyada adag iyo in bulshadu wax is taraan.