Wednesday, December 21, 2016

Madaxa suuq geynta Shirkadda Hormuud xarunteeda Gaalkacyo oo xariga ka jaray minbarka cusub ee Dugsiga Al-Shacab ay u dhiseen.


Madaxa suuq geynta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud xarunteeda Gaalkacyo mudane C/qaadir Cali Cabdi ayaa xariga ka jaray minbar cusub oo shirkadda maalgalisay kaasoo loogu talo galay inuu ardada ka saacido xilliga Daabuurka. 
Ardada dugsiga oo ku kala geddisan xaga dhererka, waxaa ardada gaagaabani caqabad ka heysatay inay si toos ah u arkaan barnaamijyada iyo khudbadaha ka baxa safka (daabuurka) xilliga subixii, kuwaasoo muhiim u ah ardada, iyagoona ku tababarta habka wax jeedinta, aqriska, qoraalka iyo hal- abuuridda.
Mudane C/qaadir Cali Cabdi ayaa ardada u sheegay inay shirkaddu saaxiibo la tahay bahda waxbarashada, kana taageeri doonto dhanka  tiknoolajiyadda casriga ah.
"Waxaan hirgelinay adeega Natiijo oo idiin fududaynaya inaad si sahlan ku ogaan kartaan natiijada imtixaanada, sidoo kale waxaan dugsiga u fududaynaynaa adeega Dhambaal oo sahlaya in fariin wadajir ah dugsiga idiinkaga timaaddo" ayuu yiri mudane C/qaadir oo hadalkiisa sii wata.
Waxaa ardada loosoo bandhigay su'aalo abaalmarino leh kuwaasoo ay si qurux badan uga jawaabeen.
Dhanka kale, maamulaha dugsiga mudane C/casiis Maxamed Aadan ayaa shirkadda uga mahadceliyay dhismahaan isagoona ku amaanay dadaalkooda iyo sida ay taageerada ula garab taagan yihiin umadda.
Dhismaha minbarkaan ayaa soo jiitay dareenka ardada, waxuuna keenay inay ardada u kala tartamaan barnaamijka Daabuurka.