Wednesday, November 16, 2016

Dugsiga H/Dhexe & Sare Al-Shacab oo dib u furmay

Waxaa maanta dib u furmay Dugsiga H/Dhexe & Sare Al-Shacab kadib dagaalkii ka qarxay magaalada Gaalkacyo 7dii bisaha Oktoobar ee ...
sanadkaan. Dagaalkaan wuxuu dhibaato weyn gaarsiiyay waxbarashada wuxuuna habacsanaan galiyay qorsho sanadeedkii waxbarashada ee sanad-dugsiyeedkaan 2016/2017, waxaana ilaa hadda ka khasaaray ardada 6 toddobaad oo waxbarasho ah taasoo u dhiganta 180 xisadood fasalkiiba.

Ardada waxaa daabuurka kula hadlay maamulka iyo macallimiinta iyagoona ereyo dejin, niyad dhisid iyo rajo soo celin ahba kula hadlay ardada.
Maamulaha dugsiga mudane C/casiis Maxamed Aadan oo la hadlayay ardada ayaa u sheegay in maamulka iyo macallimiintaba dadaal xoogan u geli doonaan sidii ay usoo kabi lahaayeen waqtiga lugamay.
“Shirkii shalay aan wada yeelanay macallimiinta waxaan diiradda ku saarnay sidii aan usoo kabi lahayn waqtiga idiinka lumay, waxaana soo saarnay go’aamo haddii Alle idmo miradhal noqon doona dibna usixi doona qorsho sanadeedkii waxbarashada ee dagaaladu habacsanaanta geliyeen” ayuu yiri maamulaha oo hadalkiisa sii wata.
Dhamaan macallimiintii meesha ka hadashay waxay ardada u sheegeen inay dadaal xoogan bixin doonaan ayna huri doonaan waqtiyo dheeraad ah  si loo dhameystiro muqararada.
Ardada oo tiradooda yarayd waxaa wajiyadooda laga dheehanay sida ay ugu xiisa qabaan inuu dib usoo laabto nidaamkoodii waxbarasho, waxaana aad usoo jiitay bilicda dugsiga oo dayactir iyo rinjiyayn lagu sameeyay.
Xilligaan oo kale ayay ahayd sanadkii hore markii dagaal sidaan oo kale ah uu ka qarxay magaalada laakiinse waqtigiisa koobnaa, hase yeeshee dagaalkaan ayaa ah mid waqti dheer qaatay kaasoona caqabad weyn ku ah bahda waxbarashada oo ah qolada ugu nugul xilliga colaadda.
Waxaan Allaah ka baryaynayaa in colaadda umadda ka dulqaado uuna ka dhigo kuwa is jecel oo ul iyo diirkeed isu noqda. 

Shirka maamulka iyo macallimiinta
Shirka maamulka iyo macallimiinta






Bilicda Dugsiga