Friday, November 4, 2016

Guddoomiyaha Himilo iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku yimid dugsiga Al-shacab

Xubnaha wafdiga
Wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha hay'adda Himilo mudane Maxamed Cali Faarax oo ka kala yimid Kanada iyo Muqdisho ayaa subaxnimadii axadda 9/10/2016 waxay soo booqdeen dugsiga, iyagoona ardada kala hadlay safka (daabuurka). Guddoomiyaha waxaa safarkiisa ku wehlinayay ...
wakiilka Himilo ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha Jamciyadda Imaamu Nawawi Sh. Cadnaan Macallin Maxamuud Sh. Nuur iyo xubin ka socatay jaaliyadda Galmudug ee Kanada mudane Cali Xaashi Shido.

Guddoomiyaha Himilo mudane Maxamed Cali Faarax wuxuu ka sheekeeyay dadaalka Himilo iyo sida ay ugu suuragashay inay dhisaan dhismaha dugsigaan Al-shacab ee saddexda dabaq ka kooban ee qarashka faraha badan ku baxay iyo sida ilaa hadda ay u caawinayaan ardada taagta daran iyo agoomaha.

"ku dhawaad kun arday oo iskuulada aada ayaan sabab u nahay Alle ka sokoow" ayuu yiri guddoomiyaha Himilo, isagoona amaanay hay'adda ay wada shaqeeyaan ee Human Concern International.
Mudane Maxamed Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: ' waxaan waxaanoo dhan u sameynayno waa inaad idinka wax noqotaan, haddii aydan ka faa'ideysan fursaddaan dadaalkeenu wuxuu noqonayaa tacab khasaaray',  Wuxuuna ardada ku baraarujiyay inay iyaguna hadhow ka shaqeeyaan samafalka.
Sidoo kale, Sh. Cadnaan oo ah wakiilka Himilo ee Soomaaliya iyo guddoomiyaha Jamciyadda Imaamu Nawawi ayaa ardada ku buraarujiyay inay dadaal badan sameeyaan dhaqanka suuban ee Islaamkana ku dadaalaan, isagoona amaanay dhaqanka ardada.
Waxaa kaloo talooyin iyo buraarujinba ardada siiyay mudane Cali Xaashi Shiddo oo wafdiga ka mid ahaa.

Wafdiga oo arkay in dugsiga u baahan yahay rinjiyayn, waxay ku yabooheen qarashka rinjiyaynta si bilicda dugsiga u noqoto mid soo jiidasho leh. Maalmo gudahoodna waxaa lasoo gabagabeeyay howshii rinjiyaynta, dugsigana wuxuu noqday mid aad u qurux badan oo soo jiita indhaha dadweynaha.

Waxaa baaqatay xaflad weyn oo lagu soo dhaweyn lahaa wafdiga looguna mahadcelin lahaa dadaalkooda kaasoo uu sababay dagaalka ka qarxay magaalada ee u dhaxeeya Galmudug iyo Puntland.
           


 "Mahadsanidiin Himilo"

Mudane Maxamed Cali Faarax oo ardada dhex taagan

Deerka kore ee dugsiga